Jamhuuriyadda Somaliland waxay, ilaa 1991, ahayd dal madax-bannaan oo dimoqraadi ah oo fuliya shuruudaha ku xusan Sharciga Caalamiga ah ee Dawladnimada. Shuraadahaas oo qeexaya inuu lahaado wadan xuduud cayiman(Dhulkii Somaliland ee Maxmiyada Ingriisku Ilaashanayey)Lahaado Dad tirakooban oo la yaqaano iyo Maamul, Haddana si caalami ah looma aqoonsan sidaas oo kale. Gobolka waxaa si rasmi ah loogu yiqiinay Maxmiyaddii British Somaliland. Wuxuuna ku fadhiyaa xuduud badeed cabirkiisu yahay 850KM oo u dhaxeeya Gacanka cadmeed iyo wadanka Jabouti oo u hore u gumaysatay Franch iyo Somalia oo uu hore u gumaysatay Italian. Magaca dalka waxaa laga soo qaatay dadka Soomaaliyeed ee dega gobolkaas.

British Somaliland waxay xornimadeeda qaadatay 26 jun 1960, maalmo ka hor Italian Somalia waxaana aqoonsaday in ka badan 30 dawladood ka hor intaanay ku biirin dalkii la odhan jiray Italian Somalia oo ay noqdeen dawladdii Soomaaliya. Qowmiyada Soomaalida ka soo jeedaa waxay ay dagaan degaan ahaan, Somaliland, Soomaaliya iyo Jabuuti, Ogadeen oo Itoobiya ah iyo waqooyi-bari Kenya. Soomaalidu waxay u oomanayd dawlad ka kooban dhammaan meelihii ay Soomaalidu ku noolayd, ee loo yaqaanno Soomaaliweyn, laakiin riyadan ayaa dhimatay wax yar kadib markii laysku biiray sababo la xiriira kala duwanaanshaha Dhaqanka, Lahjada dhinaca luqada iyo cadaalad daro dhinaca Siyaasada ah oo lagula kacay dadkii ka soo jeeday Soomaliland. Somaliweyn waxay luntay markii lagu jabay Dagaalkii Ogadeen ee 1978. Waxa xoogaystay awood isku koobista ku salaysan dhinaca Siyaasada, Dhaqaalaha iyo qowmiyada.Arintani waxay sababtay 1981 dagaal dhex maray reer Somaliland iyo dawladdii dhexe ee Xamar. Hargeysa iyo Burco ayaa dhulka lala simay, tobanaan kun ayaa dhimatay in ka badan 1 milyan waxay ka baxsadeen wadanka, Gaarahaana xerooyinka Qaxootiga ee Ethoipia.

Ka dib dhicitaankii Siyaad Barre 1991, Somaliland waxay ku dhawaaqday gooni isu tag iyo inay dib ugala soo noqotay midawgii ay la gashay Somalia. Waxayna dib u bilawday dibu dhiska burburkii ka soo gaadhay dagaaladii. Qabiilada Somaliland degaa sanado ka bacdi waxay ku heshiiyeen iskuna aqbaleen siyaasad ahaan iyo bulsho ahaanba inay Dimuqraadi ah isu doortaan Sannadkii 2001, waxaa la aqbalay dastuur cusub iyadoo la sameeyey codbixin iyo qaab dhismeed la mida ka Ingriiska. Waxa la disay Baarlamaan ka kooban laba gole. Hal qole waxaa fadhiya wakiillada odayaasha, qeybta kalena, wakiillada gobolka ee la soo doortay. Si looga fogaado in dadku doortaan kaliya wakiilo ka socda qabiilkooda, tirada xisbiyadu waxa lagu xadiday saddex. Iyadoo loo eegayo dastuurka. ka dib, waxaa jiray in la qabtay dhawr doorasho deegaan, 3 Jeer doorasho baarlamaan iyo 4 jeer oo Doorashada madaxweyne ah. Dhamaantood waxay ku dhaceen si nabadgelyo ah iyadoo ay goob jog ka ahaayeen kormeerayaal calami ahi.

Somaliland waxay isticmaasha 3 sharci oo kala ah ,Sharciga Shareecada Islaamka,Sharciga Ingriiska ee Maxkamadaha iyo Heshiisyada,iyo Sharciga xeer dhaqameedka oo lagu kal saaro qabiilada.

Tan iyo bilowgii 90-meeyadii, Somaliland waxay ahayd nabad iyo xasilloonaan oo dad badan oo hore uga qaxay ay ula soo noqdeen keydkoodii iyo khibraddoodii dib u dhiska dalkooda. Intaa waxaa dheer, qurbajoogtu waxay dhaqaale ahaan ka taageeraan dalka maalgashiyo fara badan oo ku saabsan ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo kaabayaasha dadweynaha.

Si kastaba ha noqotee, Somaliland wali waa sabool iyada oo ay ka maqan yihiin,Aqoonsi caalamiyihi,iyo xirfadlayaal aqoon leh. Hadafka Hadia Medical Swiss iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa ah inay taageeraan horumarinta shaqaalaha xirfadleyda ah, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Xog

Symbolbild zum Artikel Daten

Magaalo-madaxda: Hargeysa
Madaxweynaha: Muuse Biixi Cabdi
Dadweynaha: 2.5-3.5 Mio.
Cabirka wadanka: 137'600 km2
Websaydka Dawladda: www.somalilandgov.com

Macluumaad dheeraad ah