Isku Wacyi gelinta Hoowlaha

Waxa ay Hadia Medical Swiss iyada oo kaashanaysa Hospitalka Basel iyo Jaamacadiisa Horumarinaysaa Nidaamka Daryeelka cafimaadka Somalilandiyada oo taageeraysa Xoogaga Dalka ka jira ee dedaalka ugu jira deber goynta Xalaalayska fircooniga ah(FMH) iyo hoos u dhigista dhimashada dhalaanka iyo hooyada.

Spitalka Gabiley

Codsi ka yimid wasaarada Caafimaadka waxaanu Gaadhsinay Kaabayaashii Isbitalkan Heerkii la Rabay, waxaana diyaarinay Koorsooyin Gurmad ah.

Hadafka Mashruuca waxaa la gaaray 2019kii ka dibna waa la dhameeys tiray (Ilaa hada 2024 wuu shaqeeyaa waanu fiican yahay)

Dugsiga Hoose Dhexe Bali Mataan

Codsi ka yimid dadka deegaanka iyo Ururka Somaliland Swiss Association ee Bern, waxaanu ka dhisnay Bali Mataan, Hooy, Dugsi iyo dhismo ay seexdaan Wiilasha iyo Gabdhuhu.

Taa Macnaheeda waa in Bali Mataan, marka laga reebo Heerarka hoose, waxa kale oo lagu baran karaa waxbarashada dugsiga sare, Hoowlaha waxbarida waxaa fuliya shaqaalha deegaanka, Mashruucan waxaa si guul ah loo dhameeyay 2018,wuxuuna u socdaa si wanaagsan,intii lagu jiray abaartii 2018kii, waxaan xaqiijinay raashinka, ku dhawaad 500 oo qof oo ku nool Bali Mataan mudo saddax bilood ah, ilaa iyo gargaarka Dowlada la helayey.

Tababarka jilitaanka ISbitaalka jaamaca Edna Aadan

Tababarka jilitaanka ISbitaalka jaamacada Edna Aadan Oo uu wehliyay isbitaalka Jaamacada Basel, waxaanu tababarka jilitaanka ee taageerada uurka iyo daryeelka umusha u qaban qaabinay aqoonyahanada caafimaadka ee dalka oo dhan laga bilaabo 2019kii ilaa dhamaadkii 2023kii.

300 qof oo shaqaale caafimaad ah ayaa muddadaas ka soo qeebgalay tababarka. Jaamacada Boorame iyo Hargeeysa iyo welibaaGroup Hospital(Unispital)ayaa hadda bixiya koorsooyinkan jilitaalnka oo ku baxa af Soomaali- Mashruucan ayaa si guul ah ah loo soo gabagabeeyay dhamaadkii 2023kii

Anaka oo ka faaiideysanayna wada shaqeynta Jaamacada Hospitalka Basel waxaanu qabanay 2019 ilaa dhamaadka 2023 tabo baro ku saabsan Caawinta Haweenka uurka leh iyo ka umilintooda taas oo ay ka faaiidaysteen dadka shaqadaas qabta ee reer somaliland tiro 300 ku dhow oo ka kala yimi dhamaan gobolada dalka. Sidoo kale waxa tababaro noocan ah qabta Jaamacada Borama, Hargeisa University iyo Dhaqtarka weyn ee HGH iyagoo ku bixinaya luqada soomaaliga ah si wanaagsan ayuu ku soo xidhmay mashruucani

Barnaamijka Sallaxley

Barnaamijka Sallaxleey. Horumarka taageerada caafimaad ee dheeraadka ah wuxuu ku wajahan yahay barnaamijka Salaxley.

Barnaamijka Salaxleey waxa uu daryeel caafimaad oo dhameys tiran u fidinayaa deegaanada ugu dayacan ee Somaliland, Degmada Salaxley ee u dhow xuduudka Itoobiya.

Rukunka iyo mulkiilaha mashruucani waa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland (eeg warqadda hoose).  Maareynta iyo hirgelinta mashaariicda goobta waxaa fulisa NGO Soomaaliyeed oo loo asaasay ujeeddadaas.

Ururka Horumarinta Wanaagsan (EDO).  Waxa loo habeeyey guddi ka kooban sideed xubnood.Hawl Fuliyaha sare , Idil Ismaaciil Muuse Nuur, sidoo kale waa wakiilka Hadia/USB iyo AN-NYA Foundation ee Somaliland. 

Barnaamijka Salaxley waxa ka mid ah mashaariicdan: 

P1 Stabiler Status quo

  • Kordhinta Dabka {Solar System) u diyaarinta waqtiga soo socda hospitalka Dib u habeynta iyo hagaajinta biyaha la Cabbo iyo kuwa la isticmaalayo sidoo kale maareeynta qashinka. 
Ilaa 2024

P2 Angemessene Aufrüstung

  • caafimaadka.
  • Bixinta kaabayaasha caafimaadka ee lagama maarmaanka ah (qolka dhalmada, qolka qalliinka, qalabka, daawada, iwm.).
  • Diyaarinta meelaha lagu umulo oo qalabeysan, qolkii Qaliinka degdega ah iyo tababarka shaqaalaha, iyo diyaarinta dayac tirka iyo ka caawinta wixii daawooyin ah ugu danbeyn ku wareejinta wasaarada Horumarinta Cafimaadka iyo EDO.
Ende 3. Quartal 2025

P3 Nachhaltige Zukunft

Fikradaha tababarka joogtada ah sida:      Shaqaalaha caafimaadka -      Shaqaalaha kale ee Isbitaalka, Horumarinta MCH ee xarumaha hooyada iyo dhallaanka ee gobolka iyo isku xirka Isbitaalka Salaxley.

Laga bilaabo rubuca 4aad ee 2026 P5 sidoo kale balaadhinta Isbitaalka Guud ee Degmada, Isku dhafka qaybaha cusub ee Qolalka jiifka ee ragga iyo Tababro shaqaale cusub

Ende 3. Quartal 2026

P4 Integration regionaler MCH

Wajigan waxa la horumarin doonaa dhamaan MCH ku yaala degaanka u dhaw Degmada waxaana la isku xidhi doonaa MCH iyo Hospitalka Salaxley si loo yareeyo dhimashada Ilmaha iyo Hooyada

Ab 4. Quartal 2026

P5 Ausbau zu Distrikt Spital

In loo horumariyo Hospitalka Salaxley mid qaliin guud oo dhamaan qaliimada guud lagu sameyn karo

offen

Mashruuc madaxbannaan, SITECO.

SITECO waxaa ay horumarineeysaa laba tababar oo ay siineeyso dadka deegaanka iyo Ganacsatada. Baahida isbitaallada ayaa si gaar ah loo tixgalinayaa.

SITECO waxa ay hirgelinaysaa iyada oo la kaashanaysa shirkadaha dalka ka jira in ay Tababaro farsamo (Xirfado) gacmeed u bilowdo ardayda dugsiga sare dhamaysaytay, Cisbitaalada iyo shaqadooduna waa ka mid