Wadanka Somaliland dumarka ku nool ee da,doodu u dhaxayso 5 Jir ilaa 49 jir, 87% ayaa lagu sameeyey Gudniinka fircooniga ah. Waddanku wuxuu ka mid yahay shanta waddan ee adduunka ee ugu badan ee ay ku dhintaan haweenka uurka leh iyo hooyooyinka. Sannadkii 2015, heerka dhimashadu waxay ahayd 732 hooyooyinka 100’000 ee dhasha. ku dhowaad 140kii hooyo mid ka mida ayaan noolaanin. (Switzerland 5 / 100’000). Sannadkii 2012. 73 Caruura ayaa dhinta 1’000 Caruura sanadkooda koowaad. (Switzerland 3.7 / 1’000).

Xitaa marka laga hadlayo nidaamyada caafimaadka ee Afrika, Somaliland aad bay uga hooseysaa heerka celceliska marka loo eego xagga tababarka iyo qalabka. Arrin gaar ah ayaa ah la'aanta Dhakhaatiir iyo umulisooyin aqoon leh. Tani waxay ka dhigan tahay in ku dhowaad 80% Gabadha Umulaysa aysan helin shaqaale caafimaad oo tababaran.