Hadia waxay taageerta Mashaariicda horumarinta Kaabayaasha Caafimaadka ee Hargeisa iyo Cusbitaalada Gobolada, Sidaa daraadeed ka qaybgalaashu waxay awoodaan inay u sii gudbiyaan xirfadihii cusbaa ee ay barteen dadka deegaanka ah.

Waxa la kordhin doonaa Qaybta dhalmada ee Isbitaalka Jaamacadda Edna Adan si ay uga turjunto heerka kororka dhalmada Caruurta.Iyadoo Haatan ay cidhiidhi tahay goobaha dhalmada ee cusbitaalku.

Intaas waxaa sii dheer, in nidaamka biyaha ee cusbitaalka la cusboonaysiin doono.

Kaabayaasha dhaqaalaha cusbitaalka Gabiley waa la hormariyey sida ay ku qanacsan yihiin dadka degaanku. Cusbitaalka Salaxlayna waxa loo iibin doonaa qalabka qalintaanka dumarka ee loo yaqaano Cesaerean