Shaqaaale caafimaad oo si fiican u tababarani waa sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo gudniinka fircooniga ah loona yaren karo tirada dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka.

Hadia waxay kala shaqaysaa Jaamacada Cusbitaalka Basel dhiiri-galinta Hanaanka isku tashiga iyo is caawinta sidoo kale waxay Edna Adan cusbitaal kala shaqaysaa tababarka iyo bixinta Casharo la siiyo Dhakhaatiirta, kal-kaaliyaasha Caafimaadka, Umulisooyinka farsamada shaqaalaha Somaliland oo dhan.

Tababarada waxa bixiya Prof.Dr.Irene Hosli,oo ah Madaxa Qaybta Obstetrics iyo Antenatal Care.

2019 Waxa tababarka ka qayb qaatay 58 Dhakhtar iyo Umuliso. Cusbitaal walba waxa ka socday 2qof Somaliland oo dhan.